Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Burco

0
1113

Burco (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo  oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco.

Kuwaasoo  caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan.

Dhallinyarada  gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh  ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa.

Waxaanay dadweynahaasi  safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka  halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxaanau kula hadlay  fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga madadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, kuna bogaadiyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan.

Madaxweynaha ayaa meel fagaare ah kala hadlay boqolaal dadweynaha Burco ah oo soo dahweyntiisa isugu soo baxay.

Waxaana halkaas hadalo ka jeediyay maayarka Burco, badhasaabka gobolka Togdheer, wasiirradda caafimaadka iyo arrimaha gudaha.

Halkan ka Daawo badhasaabka gobolka Togdheer oo soo dhaweyntii madaxweynaha ka hadlayay:

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed:

Waxa kaloo isna isu soo baxaasi hadal ka jeediyay wasiirka caafimaadka Somaliland.

Daawo Maayarka Burco oo isna halkaas ka hadlay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here