Weftigii Congress-ka Mareykanka oo booqasho ku tagay Berbera

0
1643

Berbera (Hargeisa Press)- Weftigii ballaadhnaa ee ka socday aqalka Congresska dalka Mareykanka, oo booqasho rasmi ku yimid dalka Somaliland, ayaa maanta booqday magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Waxaa booqashada ku wehelinayay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Axmed Hurre Haariye, Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac iyo masuuliyiin kale.

Weftiga, ayaa sidoo kale waxaa ay booqasho ku tageen xarunta taliska ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera, iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen saraakiisha kala duwan ee ciidanka ilaalada xeebaha.

Weftiga ka socda Congresska Mareykanka, ayaa Somaliland u yimi si ay u ogaadaan Horuumarka socda Somaliland iyo nabad-gelyada ka hirgeshay Somaliland 30 kii sanno ee u danbeeyay ee dalku xorriyaddiisa la soo noqday.

Socdaalka weftiga waxa soo qabanqaabiyay Machadka Humpty Dumpty Institute (HDI) oo caan ku ah fududaynta wada-hadallada istiraatijiyadeed iyo daba-galka dublamaasiyadeed, waxaana soo qaban-qaabiyay machadka American Global Institute oo ay kafaalo-qaadeyso hay’adda Redsea Cultural Foundation oo uu hoggaaminayo Dr Jaamac Muuse Jaamac.

Weftigu waxa uu ka kooban yahay shaqaale sare oo ka tirsan kongareeska oo ka kala socda labada dhinac oo metelaya guddiyo sharci-dejineed oo awood leh.

Weftigan awooda badan oo ka kooban laba xisbi oo ka tirsan golaha Wakiillada Mareykanka, ayaa Somaliland u yimi sidii ay u xoojin lahaayeen hawl-galka Mareykanka ee mandaqada Geeska Afrika ee istaraatiijiga ah.

Booqashadan, ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan dhaqdhaqaaqyada dublamaasiyadeed ee ay ku lug leeyihiin Somaliland, Itoobiya, iyo Soomaaliya, taasoo muujinaysa wakhti muhiim u ah juquraafi ahaan gobolka.

Si kastaba, ku darista Somaliland ee Xeerka Ogolaanshaha Difaaca Qaranka ee Mareykanka (NDAA) waxa ay muujinaysaa isbeddel muuqda oo ku yimi siyaasadda Mareykanka, iyada oo aqoonsanaysa muhiimadda istiraatijiyadeed ee Somaliland. Qodobbada NDAA waxay diiradda saarayaan horumarinta iskaashiga amniga iyo suurtagalnimada in ay u gogol xaadho xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo xooggan. Talaabadan, ayaa ka tarjumaysa aqoonsiga sii kordhaya ee xasiloonida Somaliland iyo doorka ay ku leedahay ka hortagga khataraha gobolka sida argagixisada iyo budhcad-badeedda, iyada oo la sii dhex gelinayo Somaliland qaab-dhismeedka amniga caalamiga ah.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here