“Weftiga Xamar ka yimid wax ba ka beddeli maayaan xuduudaha Somaliland…”

0
218

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in aanay xuduudka Somaliland wax ba ka bedeli doonin safarkii ay Laascaanood ku yimaadeen weftiga ka socday Soomaaliya.

Waxaanu tilmaamay Eng. Faysal Cali Waraabe, in riwaayadda iyo rayn-rayntu ay dhawaan isku rogi doonto ilmo iyo riyo, isla markaana ay Somaliland dhawaan dalkeedda ka saari doonto duulaanka waxshinimadda ah ee Laascaanood lagu soo qaaday.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu xalay ku daabacay bartiiss Twitter-ka.

Eng. Faysal, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland si dhakhso ah u sugi doonto dhammaan xuduudaheeda.

Qoraalkaasi oo ku qornaa luuqadda English-ka, oo aanu Af-Soomaali u turjunay waxa uu u dhignaa sidan:

“Weftigii Xamar ka yimid ee Laascanood u yimid, wax ba ka beddeli maayaan xuduudaha Somaliland, riwaayaddii iyo rayn-rayntu waxay dhawaan isu rogi doontaa ilmo iyo riyo.

Somaliland waxay dhawaan dalka ka saari doontaa duullaanka waxashnimada ah ee Laascaanood ku soo duulay. Waxaanay sugi doontaa dhammaan xuduudaheeda” ayuu ku yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Geesta kale hadalkan guddoomiyaha UCID ayuu kaga jawaabayay wefti ka socday dawladda federaalka Soomaaliya oo isugu jiray wasiirro, xildhibaano, iyo masuuliyiin kale oo shalay socdaal ku yimid Laascaanood.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here