Wefti Uu Hogaaminayo Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Lagu Soo Dhaweeyay Fiqi-Ayuub

0
388

Fiqi-Ayuub (HP): Wefti uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa maanta gaadhay degaanka Fiqi-Ayuub oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Waxaana weftigaasi ka mid ah wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland, iyadoo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen badhasaabka gobolka Togdheer, iyo guddoomiyaha degmadda Fiqi-ayuub iyo masuuliyiin kale.

Weftigan  uu hogaaminayo wasiirka xidhiidhka goleyaasha Somaliland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Fiqi-Ayuub, halkaasoo aanay u kala hadhin qaybaha kala duwan ee bulshadda deegaankaasi.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadal u jeediyay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa uga warbixiyay u jeedadda socdaalkoodda iyo arrimaha ay weftigan uu hogaaminayaa u yimaadeen deegaankaasi.

 

DAAWO: Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here