Wefti Uu Hogaaminayo Badhasaabka Gabiley Oo Safar Ku Tegay Degmadda Geed-balaadh

0
514

Geed-balaadh (HP): Wefti uu hogaaminayay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta booqosho iyo kormeer ku tegay degmadda Geed-balaadh oo ka tirsan degmooyinka hoos yimaadda gobolka Gabiley.


Safarkaasi waxaa guddoomiyaha ku wehelinayay badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley iyo taliyaha qaybta booliska ee gobolkaasi, qaar ka mid ah isu-duweyaasha wasaarradaha iyo haayadaha kala duwan ee gobolka Gabiley.
Ujeedadda safarka weftiga badhasaabka ayaa ahayd u kuur-galka xaaladaha guud ee degmada Geed-balaadh oo bulshada ku dhaqan ay noloshoodda iyo dhaqaalahoodu ba ku tiirsan yahay wax soo saarka beeraha iyo xoolaha.
Markii weftiga badhasaabku ay gaadheen Geed-balaadh ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladaasi, kuwaasoo ruxayay caleemo qoyan, iska markaana safari taagnaa.

C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Gabiley ayaa bulshadda degmadda Geed-balaadh uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

Waxaanu sheegay badhasaabku in kormeerada iyo safarada uu ku tegayo degmooyinka gobolka inuu sii wadi doonno dhamaanba degmooyinka hoos yimaadda gobolka, si ay u ogaadaan baahiyaha iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda.
Dhinaca kale weftigan uu hogaaminayay badhasaabka Gabiley waxay kormeer ku soo mareen ceelasha biyo soo saarka degmadda geed-balaadh.
Kuwaasoo ah ceelal riigg ah oo looga soo biyo doonto xiliyadda Jiilaalka ah deegaamadda ka baxsan xadka Somaliland ee dhinaca hawdka ee Itoobiya.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here