Wefti Somaliland Ah Oo Nairobi Ku Tagay Socdaal Qaramada Midoobay Agaasintay Iyo Mawqifka Somaliland Ee Dagaalka Gaalkacayo + Muuqaal

0
941

HARGEISA, (HargeisaPress) —Xukumadda Somaliland ayaa ka hadashay mawqifkeeda dagaallada dhawaanahan ka dhacayay magaalada Gaalkacayo ee u dhexeeya maamulada Somalia ee Puntland iyo Galmudug, waxaanay ugu baaqday inay ilaaliyaan xasiloonida mandaqada wada hadalna lagu dhammeeyo khilaafka jira.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland jeceshahay in mandaqada bariga Africa lagu wada noolaado nabad. Waxa uu sheegay in dawladda Somaliland danaynayso in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha u dhexeeya maamulada Somalia.

 

Wasiirka arrimaha dibadda oo ay weheliyaan guddoomiyaha Maxakamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, wasiirka qorshaynta Cali Shoombe iyo wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa u ambabaxay Nairobi, halkaasi oo ay sheegeen inay ku leeyihiin balamo ay agaasintay qaramada midoobay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here