Hargaysa (Hargeisa Press.com): Shir-gudoonka golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay wefti balaadhan oo ka socday ururka midawga Yurub iyo dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka.
Kulankan ayay labadda dhinaca kaga wada hadleen arrimo khuseeya qabsoomida doorashooyinka, xalinta caqabadaha ku gedaaman gaar ahaana xeerka doorashada iyo saami qaybsiga goboladda iyo kootada dumarka.
Sida lagu sheegay war qoraala oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee golaha Wakiiladda Somaliland oo ay ka hadleen safiiro dhawr ah ayay dhamaantood shir gudoonka uga mahad naqeen sida ay uga go’an tahay qabsoomida doorashadu muhiimad gaaar ahna ay arrintaas siinayaan weftigoodu.
Kulan waxaa dhinaca golaha Wakiiladda Somaliland goob joog ka ahaa gudoomiye Baashe Maxamed Faarax, oo ay weheliyaan gudoomiye ku-xigeenkiisa Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki) iyo xoghayaha guud ee golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Halka dhinaca kale weftigan ka socday midawga Yurub waxaa hogaaminayay safiirka EU-da Fulgencio Garrido Ruiz kana, iyadoo ay xubno ka ahaayeen safiirada dalalka (UK, Denmark, Sweden, Norway, Finland, Swizerland Iyo madaxa xafiiska Hargeysa ee UK.
Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, ayaa weftiga u xaqiijiyey ka go’naanshahooda in doorashada golaha Wakiiladu ku qabsoonto waqtigii loo mudeeyey diyaaarna ay u yihiin inay kuraasta baneeyaan.
Sidoo kale gudoomiye Baashe, ayaa u sheegay weftigan inay ansixiyaan xeerarka doorashada balse arrinta keliya ee ay u cadilan tahay tahay Saami qaybsiga kuraasta gobolada oo aanay suurto gal ahayn in ay xildhibaanadu jaaan gooyaan.
Maadaama xildhibaan waliba deegaan ka soo jeedo oo qadiyadaasi tahay mid u baahan wadatashi qaran.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.