Wefti Midowga Yurub ka socda oo ka Qayb-galay Dhagaysiga Dacwada Abwaan Cabdiraxmaan Abees + SAWIRRO

0
1251

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wafti Iskugu jira Masuuliyiinta Sar sare Oo ka Socda Midowga Yurub ayaa shalay Somaliland soo Gaaadhay kuwaasi oo ujeedada socdaalkoodu ahayd sidii ay xukuumada ugala hadli lahaayeen xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyagoo saaka goob joog u ahaa ka Dhagaysiga gabo gabada dacwada oo ka socotay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex.

Xubnahan ka socday midowga yurub ayaa dhanka kale la kulmay gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi jeex Axmed Dalmar Ismaaciil, Iyagoo u kuurgalay sida ay usocotay iyo eedaha loo hayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees

Ujeedada Waftigan iyo waxyaabihii ay kala hadleen Masuuliyiinta maxkamada ayaa waxaa ka warbixiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradaha ganacsiga iyo Qorshaynta Ee xukuumadii Axmed siilaanyo Amb Kaysar Maxamed oo isagu gadhwadeen ka ahaa waftigan.

Amb kaysar oo qoraal uu kaga hadlayo dhagaysiga dacwada iyo kulamo ay layeesheen madaxda Maxkamada iyo Abwaan Cabiraxmaan Abees Wuxu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan:

“Waxaanu maanta booqanay Abwaan Cabdiraxman Abees oo ay dacawadiisu ka socoto Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex. Waxa uu Abwaanku noo xaqiijiyay in si fiican ay u socoto dacawadiisu isla markaasna uu kalsooni ku qabo Maxkamadu inay si Cadaalad ah ugu garnaqi doonto Dacwadiisa. Waxa uu noo sheegay inuu haysto Looyarro u doodaya oo ku filan. Waxaan aad ugu Mahadnaqayaa Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Garsoore Ahmed Dalmar iyo Masuuliyiinta Maxkamada oo noo caddeeyay in Muwaadiniinta Somaliland ay helaan Garsoor Cadaalada iyo Shuruucda Dalka ku dhisan.

Waxa aanu ka koobnayn Xubnaha hoos ku qoran.

  1. Bill Etheridge MEP
    Member of the European Parliament
  2. Mr Paul Brothwood BA(Hons) DipFSM DipFA CeFA CeMAP PRINCE2 Practitioner
    Accredited Parliamentary Aide .
  3. Janusz Niedzwiecki. President of the European Council on Democracy and Human Rights.
  4. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed : Senior Advisor

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here