Wefdi Ka Socda Somaliland oo Kulan La-yeeshay Waaxda Ilaalinta Duur-joogta Kenya

0
1485

Nairobi (Hargeisa Press) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Ducaale iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa waxa ay la kulmeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Waaxda Ilaalinta Duur-joogta ee dalka Kenya.

Wefdiga Somaliland iyo saraakiisha Kenya, ayaa  ka wadahadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta duur-joogta iyo hababka ugu wanaagsan ee loo ilaaliyo duur-joogta kuwaas oo Somaliland ay Kenya ka baran karto. 

Sidoo kale, wefdiga Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland, ayaa booqasho gaar ah ku tagay qaar ka mida ah seerayaasha ugu muhiimsan ee lagu ilaaliyo duur-joogta kuwaas oo ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta Kenya.

Wefdiga uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, ayaa waxa ka mid ah xubno ka socda Wasaaradda Deegaanka, Garsoorka, Barlamaanka iyo Hay’adda CCF.

Agaasimaha Guud iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku joogay Dalka Kenya saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, iyagoo kulamo doceedyo kala duwan la qaatay Hay’addaha Deegaanka iyo arrimaha Duurjoogta ee Wadamada Caalamka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here