“Waxan Ahay Musharax U Taagan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid” Marwo Saamiya Musse

0
1042

Helsinki, Finland (HargeisaPress) —Marwo Saamiya Muuse oo Xiligan ah La taliyaha arimaha dibada ee musharaxa Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen hore na xilal kala duwan uga soo qabtay Xisbiga Ucid waxa ay ku dhawaaqday inay Xiligan wixii ka danbeeya Utaagan tahay Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid maadaama  bay Tidhi xiligan Gudiga bad baadada Xisbiga ucid ay ku dhawaaqeen in Xil ka qaadis ay dhawaan ku samayn doonaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxa aanay Hadalkeeda ku Bilawday Sidan ” Waxan halkan Maanta oo ay Taariikhdu tahay 07-07-2016 ka cadaynayaa inaan maanta laga bilaabo utaaganahay Buuxinta Jagada Gudoomiyaha XIsbiga Ucid ee Gudiga bad baadada Xisbiga Ucid ku dhawaaqeen in ay Gudoomiyhii hayey Xil ka xayuubin ku samayn Doonaan, Dastuurka Somaliland baa muwaadin kasta oo Miirkiisa iyo Maankiisa qaba xaq u siiyey in La dooran karo waxna uu dooran karo.

 

Xilkan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee aan Maanta Iclaamiyey Inaan musharixiinta ku tartami doona ka mid ahayna inaan Qaban karo kartideedii aqoonteedii iyo Waayo aragtinimadeedii na aan leeyahay waanan Soo dhawaynayaa Cid kasta oo igula tartamaysa Hanashada Kursigaas.

samiya

Waxa Farxad wayn oo gaar ah ii sii ah in aan noqdo Qofkii ugu horaysay ee Dumar ah ee Booska Gudoomiye Xisbi Qaran isku Soo taagta aan noqday waxa aan ku kalsoonahay kalsoonida uu xisbigayga Ucid , Taargeeyaashayda iyo Guud ahaan Haween waynaha Somaliland ku qabaan inaan Buuxin karo Booskaas waanan ku farax sanahay Inaan isu soo taago, Waxan Ahay Musharax u taagan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid.`´

 

Marwo Samiya Muuse waxa sidoo kale ay Xustay Aqoonteeda waayo aragnimadeeda iyo Khibradeeda siyaasadeed ee ay leedahay taas oo sida ay sheegtay u sahli karta in ay Hanato Booska Gudoomiyaha XIsbiga Ucid `´  waxan aqoontaydii Hoose dhexe Sare ku soo dhamaystay Wadanka Kuwit , waxan Shahaadada jaamacada Heerka Koowaad ka qaatay Cilmiga Maamulka Ganacsiga Caalamiga ah  Jaamacada Haaga-Helia University , waxan Shahaadada Diploma  ka qaatay Cilmiga   Suuqgaynta sanadkii 1996 kii ,

Luuqadaha aan Ku Hadlo waxay kala yihiin.

Somali ( luuqada Hooyo )

1.Arabic,

3.English,

4.Finnish,

5.German

6.Swedish

waxa aan mar labaad Bulsha waynta Somaliland Iyo Masuuliyiinta Xisbiga  Ucid Dibad iyo Gude ba u caday inaan U taaganahay Musharaxa Gudoomiyha Xisbiga Ucid ´´

 

 

Marwo Saamiya Muuse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here