Hargaysa (HP): Wakaaladda duulistadda iyo madaarrada Somaliland ayaa xalay magaaladda Hargaysa ku qabatay munaasibad lagu abaal marinayay shaqaalihii ugu wanaagsanaa ee sanadkii tegay ee 2021-ka.
Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay maareeyaha haayadda duulimaadka Somaliland maareeye ku-xigeenka haayadaasi Sharmaarke Ismaaciil Idiris, xubno ka mid ah gaolaha wasiirradda Somaliland, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.
Maareeye ku-xigeenka haayada duulista iyo Madaarada Somaliland Sharmaake Ismaaciil Idiris, oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay go’aamiyeen masuuliyiin ahaan in tiirar kastoo waaxda ka tirsani ay ka hesho inta la’abaal marinayo.
DAAWO: Khudbadii Sharmaake Ismaaciil Idiris:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office