“Waxaan doonayaa in aan Hargaysa ka sameeyo wax taariikhd galla…”

0
338

Hargaysa (HP): Waxaa xalay xadhiga laga jaray dhismaha cusub ee xarunta degmadda Maxamed amooge, ee caasimadda Hargaysa.

Dhismahani oo ah mid aad u weyn, isla markaana casri ah ayaa loo qorsheeyay inuu noqdo xarunta ay ku shaqaynayso degmadda Maxamed Mooge.

Waxaana xadhig ka jarka degmadaasi ka soo qayb galay maayarka Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, xildhibaanada golaha deegaanka Hargaysa.


Agaasimeyaal guud, guddoomiyeyaasha degmooyinka caasimadda Hargaysa, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka JSL, agaasimeyaasha waaxyaha dawlada hoose, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Dhismahan cusub ee xalay xadhiga laga jaray ee xarunta degmadda Maxamed Mooge, waxaa ku baxday lacag gaadhaysa ku dhawaad 300,000 oo Dollar.
Taasoo ay bixisay maalgelinteedda dawladda hoose ee Hargaysa, sida uu sheegay C/kariin Axmed Mooge, oo dhismahaasi ka warbixinayay.

Waxa kaloo uu sheegay maayaeka Hargaysa in ay u qorshaysan tahay saddexda sanadood ee u hadhay muddo xileedkiisa inuu doonayo in taariikhda gala uu ka sameeyo Hargaysa.

DAAWO: Khudbadii Maayarka Hargaysa:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here