“Waxa La Soo Gaadhay Waqtigii Aynu Sii Wanaagsan U Sii Wadici Lahayn Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye…..” Gudoomiye Cirro

0
1165
Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahna hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa maanta dalka dib kusoo laabtay, kadib socdaal bil ah oo uu ugu maqnaa wadamo ka tirsan qaarada Yurub, waxaan madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey dadweyne aad u diro badan, kuwaas oo iskugu jira mudnayaal ka tirsan laba aqal ee baarlaamnka Somaliland iyo masuuliin ka tirsan Xisbiga Waddani, iyo weliba dadweyn aad u tiro badan oo sitay astaamaha u gaarka ah Xisbiga WADDANI.
Guddoomiye Cirro oo qolka nasashada kula haddlay war-baahinta kala duwan ee dalka ayaa ugu horayn u mahadnaqay dadka soo dhaweyntiisa ka qayb-qaatay, sheegayna inuu ku faraxsanyahay soo noqoshadiisa “waan ku faraxsanahay anoo nabad qaba oo caafimaad qaba haddii aan dadkaygii iyo dalkaygii ku soo laabtay, waxaan u mahad naqayaa dhammaanba dadka isoo dhaweeyey oo uu shir guddoonka golaha wakiilada ugu horeeyo, madaxda xisbiga, xildhibaanada labada gole,dhalinyarada iyo dhammaanba shacabka reer somaliland ee halkan igu soo dhaweynaya,”Ayuu yidhi Cirro.
Md.cirro oo haddalkiisa sii watay ayaa ka waramay safarkiis wuxuu daaranaa “Waxa runtii safarkaygu ahaa laba qaybood, waxaad ka war-qabtaan in goluhu markii hore uu ku jiray fasax, markaa fasax iyo shaqo  ayuu isugu jiray,haseyeeshii waan soo gaabiyey hawlaha wadanka ka jira awgood,waxaan dalka ka maqnaa muddo afar todobaad ku dhaw,waxaan soo maray saddex wadan, dalka Finland oo aan kula kulmay qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada iyo jaaliyada reer somaliland ee halkaasi joogta,waxa kale oo aan marti qaad ka helay baarlmaanka yurub iyo baarlamaanka Holand oo aan mudo todobaad ah halkaas soo joogay waxaan la kulmay guddiyada golaha Holland iyo wasaarada arimaha debada ee Holand, waxaan siiyey xog-waran ku saabsan xaalada somaliland iyo sidii loo kordhin lahaa kaalmada somaliland la siiyo gaar ahaan mashaariic ku saabsan shaqo abuur, gaar ahaan dhalinyarad sida aynu ka warqabno wey shaqo la’yihiin iyo adeega guud oo la kordhiyo, ha ugu horeeyaan biyaha iyo caafimaadku, waxa kale oo aan uga xog-waramay doorashooyinka iyo diwaangelintu halka ay marayaan,arimaha ictiraafka somaliland, arimahaas rajo wangaasan ayaan ka dareemay “Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro
cirrooo
Guddoomiye Cirro ayaa wax laga naxo ku tilmaamay wasiiradii tirada badnaa ee iska casilay xukuumadda siilaanyo,isagoo sidoo kalena ka haddlay khilaafka KULMIYE,”Waxa iyadu naxdin lahayd in xukuumadda maalin kaliya ka dareeraan in ka badan 10 wasiir. Markaa xukuumadu waa xukuumadii qaranka, xisbiga la doono ha laga dhisee, way ka duwan tahay xisbigga. Waxay masuul ka tahay maamulka waddanka, waxay masuul ka tahay amnigga, waxay masuul ka tahay qabashadda doorashooyinka, waxay saamayn ku yeelan doonta qaranimadda Somaliland. Runtii arrintaasi werwer badan ayay galisay axsaabta mucaaridka, shacabka iyo caalamka baa oo arrinta xalkeedu wuxuu saaran yahay Madaxweynaha Somaliland, waxan rejaynayaa in ay arrintaasi soo afjarantoo.”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro
Gudoomiye Cirro oo wax laga waydiiyay inay waddahadal la furayaan wasiiradii xilka ka degay iyo xilka la qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani, waxa uu yidhi “Runtii anigu waanu ixtiraamaynaa qofkasta xisbigu ku jiro ayaanu ku ixtiraamaynaa, Runtii masuuliyiinta iscasilay xilka wasiirnimo ayay iska casileen ee kamay bixin xisbiga kulmiye, marka wixii ka baxa way noo furan yihiin in aanu la hadlo. Laakiin imika waxaanu ku ixtiraamaynaa inay wasiiraddii ka tageen oo ay xisbigoodii ku jiraan siday iyaguba sheegeen. Qabsashadda xisbiga golihiisa dhexe ma foga oo sannadku intaanu dhamaan baanu qabsanaynaa ama ka soo socda horaantiisa”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro
Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashaddaan midnimadooda iyo nabadgalyadooda”Waxaan shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa inay midnimadooda iyo nabadgalyadooda ilaashadaan.Waxaan ku soo gunaanadayaa hal kalmad oo ah runtii kulmiye inaga dooranay Madaxweyne ah. Marka waxa la soo gaadhay waqtigii aynu sii wanaagsan u sii wadici lahayn xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, si wayna u soo dhawayn lahayn xisbiga Waddani.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here