Wasiirkii Labaad oo Xukuumada Somaliland Ka Tirsan oo Shaaciyey In Laga Helay Covid-19

0
2872

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, ayaa waxaa uu sheegay in laga helay xanuunka Coronavirus.

Wasiirka Boosaha Somaliland ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlayo xanuunka laga helay.

Qoraalka wasiirka ayaa waxaa uu u dhiggan sidan:-

“Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal)  isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’.

Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay.

Markii aan ogaaday natiihada waxa aan  islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno.

Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen.

Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19  si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan.

Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland.

Dhinaca kale, shalay ayay ahayd markii Wasiirka wasaarada Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, uu isna shaaciyay in laga helay xanuunka Coronavirus.

Wasiirka maalgashiga Somaliland ayaa waxaa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here