Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhigga Somaliland oo Geeriyooday

0
1322

Hargeysa (Hargeisa Press) – Allah ha u naxariistee waxa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

Axmed Xaaji Cali Cadami wuxuu xilal ka soo qabtay xukuumadihii Somaliland marna waxa uu ahaa Guddoomiyihii Guddig Doorashooyinka Somaliland ee xilligii xukumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Marxuum Cadami, ayaa sidoo kale waxaa uu la soo shaqeeyey Dowladdii hore ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale ahaa oday samo-talis ah oo taariikh weyn ku lahaa qaranka.

Cadami, ayaa ahaa siyaasi caan ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland sida Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee xilligii xukumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kale marxuumka ayaa ahaa oday samo-talis ah oo taariikh weyn ku lahaa qaranka.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ahna Afhayeenka Xukuumadda, ayaa tacsi ah u diray qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiir hore Axmed Xaaji Cali Cadami.

Wasiirku wuxuu Marxuum Cadami ku tilmaamay masuul xilkas ah oo dalkiisa muddo dheer ugu soo shaqeeyey si daacadnimo ah. Siyaasi xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland.

Waxaanu Ilaahay uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here