“Waxaan ogaaday in murtidu ay tahay Hub la addeegsan karro oo…”

0
367

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa sheegay in dhaqan ahaan ay suugaanta Soomaalidu ay la mid tahay Hubka wax gumaadda.
Waxaanu tilmaamay in murtidu ay tahay Hub la addeegsan karro, oo aan kharash kuugu fadhiyin, balse maskaxda ka soo maaxanaysa wax na daawayn karra, wax na dabiibi karta, iyadoo ku xidhan mar ba dhinaca loo addeegsado.
Maxamed Xaaji Aaadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu soo bandhigayay bug la magac baxay HALLEELO, oo uu qoray abwaan Ismaaciil Aw Aadan (Jaajuumow), oo lagu soo bandhigay magaaladda Hargaysa.
Wasiirka ayaa qoraaga buuga ku bogaadiyay sida far-shaxanimadda, iyo murtida leh ee uu buugga u diyaariyay, isla markaana buugiisa ay ku jiraan suugaan kala duwan oo faa’iido, iyo waxtar u leh ummada.
Waxaanu tilmaamay wasiirku in buugga Halleelo ay ku jiraan maansooyinka wax tar, iyo qiimo leh oo ka hadlaya midnimadda iyo wada jirta bulshadda, iyo qiimaha ay leeyihiin dadka bulshadoodda wax anfacaya ku soo kordhiya.
Geesta kale wasiirka Dastuurku wuxuu sheegay in ay abwaanka isku barteen nabadayntii Ceel-Afweyn, isla markaana xalintii arrintaasi uu qayb weyn ka qaatay abwaanku, isla markaana uu halkaa ku xaqiiqsaday in murtidu ay tahay hub la addeegsan karro.

Dhinaca kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan, ayaa isla goobtaasi ka akhriyay maanso uu isna curiyay xiligii uu ka mid ka ahaa ergadii xukuumadda uga wakiilka ahayd xalintii colaad beeleedka ee Ceel-Afweyn.

DAAWO: Khudbadda Wasiirka Dastuurka Somaliland ee Xafladda Bandhiga Buuga Haleelo:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here