Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda Itoobiya

0
412

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda dalka Itoobiya, Mr. Redwan Hussein.

Wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda dalka Itoobiya waxaa qaabilaadaasi  ku wehelinayay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland  Amb. Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin la socday weftiga wasiiru-dawlaha.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay wasiiru-dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Mr. Redwan Hussein oo uu wehelinaayo safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin la socday weftiga wasiiru-dawlaha.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda federaalka ah ee Itoobiya.

Arrimaha la xidhiidha isu-socodka labada dhinac ee ganacsiga iyo iskaashiga horumarineed ee waddada Berbera corridor ay ugu horayso iyo isticmaalka dekeda Berbera oo uu xusay wasiiru-dawluhu in dalka itoobiya uu baahi weyn u qabo dekedo kala duwan, muhiimad gaarana ay siinayaan dekeda Berbera.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii ay hore u galeen labada dawladood oo la joogo wakhtigii la dhamaystiri lahaa hirgelinta wixii hore la isugu afgartay ee dani ugu jirto labada shacbi iyo labada dawladood.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka hore ee arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah hadana ah, wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan iyo masuul ka socday wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY