Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Oo Digniin U Diray Shirkado Ardayda Lacago Ka Dhaca

0
526

Burco (Hargeisa Press): Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa digniin u diray shirkaddo uu sheegay in ay sifo qaldan lacago uga urursadaan dhallinyarada ka qalin jabisa dugsiyada sare ee dalka.
Ardaydaasi oo doonaya in ay dalka dibadiisa u raadsadaan waxbarasho Jaamacadeed.
Wasiir Axmwd Toorno, ayaa sheegay in aanay jirin haba yaraatee shirkad bixisa waxbarasho lacag la’aan ah oo jaamacad dibadeed ah.
Balse shirkadaha iyo shaqsiyaadkaasiba ay yihiin kuwa ku doonaya lacago ay dhallinyarada ka qaadan.
Waxaanu yidhi, “Waxaan dhallinyaradda uga digayaa, waxaan maalin walba aragnaa shirkad waxbarasho bilaasha xayaysiinaysa. Waxaa jira ragg ku shaqaysta oo wasaaradda na aan ka diiwaangashanayn”.
“Digniin na waanu siinay. Mar labaad na waan ku celinayaa. Arday danyara oo  waxbarasho doonaya ayay ku odhanayaan ‘waxbarasho bilaasha ayaanu ku raadinaynaaye lacag keen” ayuu yidhi wasiir Axmed Toorno, oo hadal ka jeedinayay jaamacadda magaaladda Burco.
Geesta kale wasiirku waxa uu dhallinyarada dugsiyada sare ka baxay ugu baaqay in cidiii doonaysa waxbarasho dalka dibadiisa ay wasaaradda la soo wadaagto, si ay uga caawiyaan wixii xaqiiqo ah.
Waxaanu yidhi, “Ardayda waxaan leeyahay wasaaradda waxbarashadda la soo xidhiidha, si aanu kaaga eegno, cidd inta yar ee aad hayso doonaysa in ay dhufato iyo in dan kale laga leeyahay.

Shirkad ayaa meel laga furayana heblaayo inter price shan boqol oo kun ayay ku qaadanayaan imtixaan way ka cararayaan hadhaw na”.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here