Wasiirka Waxbarashadda JSL Oo Kulamo La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Waxbarashadda Kenya

0
159

Nairobi (HP): Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo dalka Kenya ku sugan ayaa maanta kulamo la yeeshay laamaha ka qayb qaata horumarinta Waxbarashada ee Kenya.


Wasiir Toorno, iyo wefti uu hogaaminayo wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Toorno, oo uu weheliye Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee dalka Kenya, Danjire Sharmarke Geele.

Waxaanay weftigan Somaliland iyo masuuliyiinta Kenya, ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xoojinta iskaashigooda ku wajahan horumarinta waxbarashadda Somaliland iyo doorka ay ka qaadanayaan dawladda Kenya.

Kulankaasi masuuliyiintii ay weftiga Somaliland la yeesheen waxaa ka mid ahaa.

1. Xafiiska Afrikada Bari, Koonfureed, Waqooyi iyo Bariga Dhexe ee Hayadda Plan International

2. Jaamacadda Caalamiga ah ee Maraykanka ee Nayroobi (United States International University) iyo

3. Shirkadda KL ee samaysa tablets cadceeda ku shaqeeya oo casharradda loogu shubayo ardayda reer guuraaga iyo dhaqato beeralayda filiqsan.

Dhinacyadu waxay si wada jir ah isula Jeex jeexeen Xoojinta iskaashigooda ku wajahan horumarinta waxbarashadda Somaliland iyo doorka ay ka qaadanayaan haayadaha horumarinta Waxbarashadu sidii dawlada Somaliland taageero Joogto ah ay uga siin lahaayeen dedaalada ay ugu jirto la dagaalanka Jahliga iyo kor u qaadida addeegyada Waxbarasho ee dalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here