Guddoomiyaha Guurtidda JSL Oo Ka Hadlay Colaadaha Ceel Afweyn Cali Saahid iyo Qasa

0
188

Hargaysa (HP): Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa saaka furay kal-fadhigii 83-aad ee golaha, halkaasi oo uu mudanayaasha la wadaagay warbixinta shir-guddoonka.

Intaasi ka dib gudoomiyaha golaha guurtida ayaa khudbadiisa ku soo qaatay laba wafti oo goluhu u diray dhibaatooyin ka dhacay deegaanada Ceel Af-wayn iyo Cali Saahid oo uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan.

Gudoomiyaha ayaa u duceeyay dadka reer Falastiin ee Yuhuud dhibaataynayso, waxaanu ugu duceeyay in ILLAAHAY dhibka ka kor qaadi.

Ugu danbayn Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa ka hadlay Sicir bararka dalka naafeeyay isaga oo sheegay in hadda xakamayntiisa ay gacanta ku hayaan masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland, bulshadana waxa uu ugu baaqay inay garab joogsadaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta Baanka dhexe

DAAWO: Hadalka Guddoomiye Saleebaan:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here