Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland oo kulan afur ah u sameeyay Shaqaalaha Wasaaradda

0
535

Hargeysa (HargeisaPress)– Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Somaliland Fu’aad Axmed Nuux oo ay Wehelinayaan Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Shaqaale-waynaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda.

Kulankaasi oo shaqaalaha lagula wadaagay Himilooyinka iyo Qorshayaasha Wasaaradda ee 5ta sanno ee soo socda 2025-2029.

Wasiirka Wasaaradda, ayaa iftiimiyay muddadii koobnayd ee ay joogeen Hoggaanka Wasaaradda iyada oo la fulinayo Aragtida iyo Himilada Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi inay u suurto-galeen qoddobada hoos ku sheegan oo la xidhiidha tayaynta shaqada iyo shaqaalaha;

1. In dib u dhis, qurxin iyo qalabayn lagu sameeyo Xarunta Wasaaradda iyo qaybo ka mid ah Madaarka Hargeysa.
2. ⁠In la dhammaystiro Strategy-yada Wasaaradda ee 2025-2029.
3. Hagaajinta Nidaamka bixinta Xuquuqaha Shaqaalaha Wasaaradda oo la joogteeyay in shaqaaluhu qaataan Mushaharkooda/gunnadooda bill walba.
4. In la hagaajiyay xuquuqaha Shaqaalaha ka baxsan Hargeysa ee ka hawl-gala Gobollada Awdal, Gabiley, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.

Ugu dambayntii Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud waxa ay u ballanqaadeen shaqaale-waynaha Wasaaradda in la sii wadi doono wanaajinta duruufaha ay ku shaqeeyaan shaqaaluhu hadba intii suurto-gal ah, iyagana laga filayo inay fuliyaan Himilooyinka iyo Qorshayaasha Wasaaradda iyo hawl-qabadyada Xilliyaysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here