Wasiirka Warfaafinta Oo Kormeer Ku Tegay Tukeraq

0
1260

Tukeraq (HP): Wasiirka warfaafinta Somaliland oo safar shaqo ku jooga gobolka Sool ayaa maanta kormeeray deegaamo ka tirsan gobolkaasi.

Wasiir Saleebaan Cali Koore, ayaa kormeerkiisa ku soo maray deegaanka Tukeraq ee bariga magaaladda Laascaanood.

Waxaa uu wasiirku u kuurgelayay sida loogu diyaar garoobayo doorashooyinka isku sidkan ee la filayo in ay Isniinta todobaadkan dalka ka qabsoomaan.

Waxaanu wasiirku kulamo is xog waraysi ah la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Saleebaan Cali Koore, ayaa ku booriyay dadweynihii uu kulamadda la qaatay sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen in doorashadu si nabad geliyo ah ay uga dhacdo deegaankaasi.

Wasiirka warfaafinta waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xuseen Aadan Cadde.

Geesta kale odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Tukeraq ayaa iyagna wasiirka uga xog waramay xaaladda guud iyo mida nabadgeliyo ee deegaanka.

Waxaanay u sheegeen in bulshadda deegaanka Tukeraq ay u diyaar garoobeen sidii ay codkooda uga dhiiban lahaayeen doorashooyinka.

Wasiir Koore, ayaa odayaasha iyo waxgaradka Tukeraq uga mahad celiyay sida ugu diyaar garoobeen doorashadda, isla markaana u ilaalinayaan nabadgeliyadda ugana shaqaynayaan horumarka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here