Wasiirka Warfaafinta Oo Agab Ciyaareed Ku Wareejiyay Xulalka Sool iyo Xaysimo

0
1390

Laascaanood (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo safar shaqo ku jooga gobolka Sool ayaa maanta qalab ciyaareed ku wareejiyay kooxaha Kubbadda cagta ee goboladda Sool iyo Xaysimo.

Qalabkan ciyaareed waxaa ciyaartooyga goboladda Xaysimo iyo Sool ugu deeqay siyaasi Khadar Galbeedi, oo ah murashax gobolka Sool uga tartamaya doorashadda gobolaha Wakiiladda Somaliland.

Waxaanu wasiirku agabka ciyaareed ku wareejiyay badhasaabyadda goboladda Sool iyo Xaysimo, oo ay wehelinayeen isuduweyaasha wasaaradda dhalinayradda iyo ciyaaraha ee labadaa gobol.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here