Wasiirka Shaqo Gelinta Oo Abaal-marino Guddoonsiisay Shaqaale Muujiyay Hawl-karnimo iyo Dedaal

0
504

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ayaa shahaadooyin iyo abaal-marino guddoonsiisay shaqaalihii dedaalka iyo shaqo wanaaga muujiyay sanadkii tegay ee 2019-kii.

Munaasibad loo qabtay shaqaalahan abaal-marinaha la gudoonsiinayay oo manta lagu qabtay xarunta wasaaradaasi ee magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo arrmaha bulriyay oo tiradoodu dhamayd 18 qof, ayaa ka kala tirsan waaxyaha ay ka kooban kooban tahay wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadu.

Marwo Hinda Jaamac Gaani, wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda oo hadal ka jeedisay xafladaasi ayaa ku amaantay shaqaalahan shahaadooyinka iyo abaal-marinaha la gudoonsiinayay in ay muujiyeen karti dedaal iyo hawl-karnimo.

Kuwaasoo ay sheegtay in ay shaqeeyeen wakhtiyo dheeraad ah, isla markaana ay bulshadda gaadhsiiyeen nooc kastoo adeegyadda wasaaradaasi bulsahdda u qabato ah.

Sidoo kale wasiirku waxay tilmaantay in ay jiraan shaqaale kaloo muujiyay shaqo wanaag, akhlaaq fiican iyo dedaalba, hase yeeshee aan nasiib u yeelan in abaal-marinaha la gudoonsiiyo.

Maadaama oo siday sheegtay wasiirku ay wasaaradaasi ka hawl galaan shaqaale tiradoodu kor u dhaafayso 200 boqol oo qof. Sidaas darteedna aanay suurtoobaynin in tiro badan hal mar la wada abaal-mariyo.

Halkan Ka Daawo Hadalkii Wasiirka:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here