Wasiirka Shaqo Gelinta oo Shir La Yeeshay Daneeyeyaasha Arrimaha Carruurta

0
747

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali xoor-xoor), ayaa maanta kulan la hay’addaha iyo ururrada daneeyeyaasha arrimaha carruurta.

Wasiirka waxaa kulankaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Axmed Xasan Aw Aadan, kulankaasi ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda Shaqo gelinta ee magaaladda Hargeysa.

Waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay xafiiska haayadda caalamiga ah ee arrimaha caruurta ee UNICEF.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dib u eegista hawl qabadyadii Arrimaha Caruurta ee sanadkan 2023-ka, iyo waxyaabihii ka qabsoomay.

Mudadii kulankaasi socdayna waxaa diirada lagu saarayay arrimaha mudnaanta u leh ee guud ahaanba caruurta, qorsheyaasha lagu garab istaagayo iyo sidii haayadd waliba u soo bandhigi lahayd doorka ay ka qaadatay dedaalada la xidhiidha arrimaha caruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here