Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta, wareegto rasmi ah ku magacowday masuuliyiin cusub oo xilal kala duwan ka qaban doona waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Magacaabistaan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, ayaa salka ku haysa dardargelinta shaqada Wasaaradda.