Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Faahfaahiyey Miisaaniyadda 2015-ka iyo Meelaha Mudnaanta La Siiyay

0
842

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo faahfaahin ka bixiyey Miisaaniyadda sanadka 2015-ka ayaa sheegay in Sanadkan mudnaanta la siiyey Doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiilada. Waxa uu sheegay in Miisaaniyadu ka badan tahay tii sanadkii hore waxaanu u mahadceliyey Dadka bixiya Cashuuraha

Wasiirka oo faahfaahinaya tirada Miisaaniyadda Sanadkan iyo sida Dawladdu u kala leedahay waxa uu yidhi “ Waxay dhan tahay laba boqol iyo kow iyo konton Milyan(251milyan), Miisaaniyadda dawladd dhexe waa boqol iyo sideetan Milyan Dollar($180m),halka ta dawladaha hoose ka tahay 27milyan, hay’addaha madaxa banana 29 Milyan, Dakhliga naga soo galaya deeqaha Caalamiga ahina uu dhan yahay 14 Milyan Dollar, isku darkooduna waxa weeye 251 Milyan iyo saddex boqol oo kun oo Dollar”

Wasiir Samaale oo sharaxaya meelaha Miisaaniyadu ku kala baxayso waxa uu yidhi “ Mudnaanta 1-aad ee sannadkani waxa weeye Doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiilada iyo Diwaan galinta. Waxa kale oo runtii mudan  Nabad galyada sida sanaada iyo qalabka Ciidamada, waxa kale oo jira Mashaariic-da waddooyinka, xannaanada xoolaha, Beeraha iyo dhismeyaal kala duwan oo wasaaraddaha ah”

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sharaxay korodhka Miisaaniyadda iyo meelaha ay ka soo xarooto “Runtii Arsaaqada Illaahay baa bixiya, Marka Illaahay wax kula qabanayana wax walba wuu kuu fududeeyaa.Runtii sanad walba Miisaaniyadu way korodhaa, sanadkan waxay Miisaaniyaddu ka badan tahay sanadkii hore boqolkiiba sideed iyo toban, Illaahay wuu noo fududeeyay dadkuna si fiican bay u bixiyaan.inta badan Dakhligaasi waxa uu naga soo gala Cashuuraha barriga iyo kastamada kala duwan, waanuna u mahadnaqaynaa Umadda Somaliland ee bixisa Cashuurta”

Wasiir Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay in Miisaaniyaddu xoogga saartay sanadkan Doorashooyinka, waxaanu wax lagu qoslo ku tilmaamay Walaaca Mucaaradku ka qabo in doorashadu qabsoomi waydo. Waxa uu sheegay in dhaqaale ahaan wixii kaga soo hagaagay xukumaddu diyaar la tahay doorashada.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here