Wasiirka Khaarejiga Somaliland oo Kulan La Yeeshay Jaaliyadda Somaliland Ee UK

0
677

London (HP): Weftiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo weli ku sugan dalka Ingiriiska ayaa kulan balaadhan la qaatay jaaliyadda reer Somaliland ee dalka UK.

Waxaana wasiirka kulankaasi ku wehelinayya Drs. Edna Aadan Ismaaciil, oo ka mid ah xubnaha weftiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, iyo wakiilka Somaliland u jooga UK.

Kulankaasi waxaa soo qaban qaabisay xafiiska wakiilka Somaliland ay ku leedahay dalka boqortooyadda Ingiriiska.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here