Agaasmaha Guud Ee Wasaaradda Ciyaaraha Kulan La Qaatay Maayarka Berbera

0
394

Berbera (HP): Agaasmaha guud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi-rashiid Caydiid Yaasiin, ayaa xalay kulan la yeeshay maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin.

Kulankaasi waxaa agaasimaha guud ku wehelinayaygudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaarraha Fu’aad Axmed Cali.
Waxaanay kulankaasi agaasimaha iyo maayarku kaga wada hadleen hanaanka uu u socdo diyaar-garowga Koobka CHAMPIONS LEAGUE oo hore loogu dhawaaqay in sanadkan ay marti-gelin doonaan gobolka Saaxil.
Waxaanay labadda dhinac isla af-garteen in la sii laban laabo abaabulka iyo diyaarinta tartankaasi oo la filayo inuu bilaabmo maalmaha soo socda.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo kooban oo ay baahisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdi-rashiid Caydiid Yaasiin, ayaa maayarka Berbera uga mahad celiyay soo dhawaynta iyo sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu qaabilay xafiiskiisa.
Sidoo kale agaasime C/rashiid, ayaa maayarka Berbera ku bogaadiyay sida uu ugu darban yahay in magaaladiisu ay marti geliso Koobka CHAMPIONS LEAGUE.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here