Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Ka Hadlay Korodhka Qiimaha Maciishadda

0
487

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa sheegay in kor u kaca ku yimid qiimaha maceeshadda darruuriga ah ee la quuto ay tahay mid aynu kala siman nahay caalamka.
Taasoo ay sababtay in kadib markii uu dunidda ka dhacay xanuunka Coronavirus, in dadkii beeralayda ahaa ee wadamadda wax soo saarka leh in ay guryaha ku xeroodeen oo ay joojiyeen ka shaqyantii beeraha.
Waxaanu wasiirku tilmaamay in arrintaasi ay keentay inuu hoos u dhaco wax soo saarkii guud ahaan ee caalamka, iyadoo markii wadamadda qaarkood ay qaadeen xayiraadii Covid-19-ka ee dadka loo ogolaaday in ay suuqyadda iyo shaqadoodda dib ugu noqdaan in ay aad u yaraadeen badeecadihii suuqyadda yaalay.
Arrintaasi oo si weyn u saamaysay dalalka aan wax soo saarka lahayn ee inta badan waxyaabaha ay cunaan dibadda kala soo dega, taasoo uu sheegay wasiirku in ay sabab u tahay kor u kaca ku yimid qiimaha maceeshadda ee Somaliland.
Wasiirka ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland waxa uu sidan ka sheegay barnaamijka Bandhigga Waxqabadka iyo isla-xisaabtanka xukuumadda iyo Bulshadda, ee telefishanka qaranka Somaliland oo uu caawa wasiir Saajin, marti ku ahaa.

Barnaamijkaasi oo ay wasiirka dadweynuhu su’aallo kala duwan oo la xidhiidha shaqadda wasaaradiisa ku waydiiyeen, wasiir Saajin oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay kor u kaca qiimaha maceeshadda, waxa uu ku jawaabay.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska waxa kaloo uu ka hadlay arrinta la xidhiidha in shirkadda DP World ee maamusha dekadda Berbera ay kordhisay qiimaha lagu dejiyo Koonteenaradda.
Geesta kale wasiir Saajin, waxa uu sheegay in mudadda uu xilka wasaaradaasi hayay inuu wax badan ka qabtay xagga arrimaha shuruucda ganacsiga, iyadoo markii uu xilka wasaaradda la wareegay aanay jirin siyaasad ganacsi haba yaraatee.
Sidaas darteedna uu ka hawl-galay sidii xeerarka ganacsiga loo diyaarin lahaa, isla markaana mudadii uu joogay in ay u hirgaleen dhamaystirka iyo ansixinta xeerka shirkadaha Somaliland Xeer LR. 80/2021-ka. Dhamaystirka iyo hirgelinta xeer nidaamiyaha, xeerka shirkadaha Somaliland. Dhamaystirka iyo ansixinta xeerka Liisamadda ganacsiga Somaliland xeer LR. 98/2021.

Dhamaystirka xeer nidaamiyaha liisan bixinta Mukhalasiinta iyo wakiiladda Marraakiibta. Dhamaystirka iyo hirgelinta siyaasadda horumarinta iyo kobcinta ganacsatadda yar yar dhexe.
Dhinaca kale wasiirku mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dhinaca arrimaha dalxiiska iyo goobaha qadiimiga ah ee dalkeenna ku yaalla, waxa uu sheegay in ay jiraan ilaa todoba goobood oo kuwa dalxiiska ah oo ay ilaaliyeen.

DAAWO: BARNAAMIJKAASI OO DHAMAYSTIRAN:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here