Wasaaradda Deegaanka Oo Sool Ka Fulisay Wacyigelinta Ilaalinta Duur Joogta

0
449

Laascaanood (HP): Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa maanta barnaamijka wacyigelinta ilaalinta iyo daryeelka duur joogta ka fulisay gobolka Sool iyo deegaano hoos yimaada.
Wacyigelintaasi oo ay wasaaradda deegaanka Somaliland muddooyinkan ba ka wadday goboladda iyo degmooyinka dalka, waxaa hogaaminaya agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradaasi C/naasir Xuseen Siciid.
Fulinta wacyigelinta maanta ee Laascaanood waxaa kala qayb qaatay badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyadoo halkaasi qaybaha kala duwan ee bulshadda loogu soo bandhigay wacyigelintaasi.
Sidoo kale waxaa halkaasi goob joog ka ahaa isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool, iyo xubno kaloo masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee gobolkaasi ka tirsan.

Badhasaabka Sool oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa wasaaradda deegaanka ku bogaadiyay barnaamijkan wacyigelinta ah ee ku saabsan ilaalinta duur joogta dalkeena oo qayb ka ah quruxda iyo hantideena.
Waxaanu sheegay C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, in ay muhiim tahay in ay bulshadeenu ilaashadaan duur joogto, iyadoo haddii la laayo ama la iibiyo oo ay duur joogtu inaga guurto in deegaankeenana uu isbedel ku imanayo.
C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa u soo jeediyay dadka ka ganacsadda duur joogta in ay ka waantoobaan arrintaasi, isla markaana qofkii lagu qabto isagoo ficiladaasi ku jira in sharciga la hor gayn doono.
Geesta kale badhasaabka Sool ayaa faray laamaha amaanka ee gobolkaasi ee ku shaqadda leh in ay ka shaqeeyaan ilaalinta ka ganacsiga sharci darradda ah ee duur joogta.
Agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, ayaa isna ka warbixiyay wacyigelintaasi iyo goboladda ay ka soo fuliyeen mudadda ay qabteen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here