Wasiirka Gaashaandhiga oo Sharaxay Xeerka Xaqsiinta iyo Hawl-gabka Ciidamadda

0
1033

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ka waramay u jeedadda ay xukuumadu ka leedahay xeerka xaqsiinta iyo hawl-gabka ciidamadda qaranka Somaliland oo hor yaalla golaha Wakiiladda.

Xeerkaasi oo ay curisay wasaaradda gaashaan dhiga ayaa soo socda muddo saxddex sanadood ah. Kaasoo looga dan leeyahay sidii ciidamadii ku naafoobay hawl-galadda iyo dagaaladda ee hawl-gabka noqday xaqoodda loo siin lahaa.

C/qani Maxamuud Caateeye, wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in xeerkaasi uu ciidamadda u leeyahay laba muhiimadood.

Wasiirka oo sharaxayay u jeedadda xeerkaasi waxa uu yidhi “U jeedadda guud ee xeerkan laga leeyahay, waxay tahay in ciidamadan dalka iyo dadkaba u soo dhintay, ee wakhtigoodii iyo noloshoodiiba geliyay, wuxuu madaxweynuhu gartay in iyaga-na la nasiyo, lana xuso, oo xaqoodii la siiyo”.

Waxa kaloo uu sheegay wasiir C/qani in xeerkaasi uu laba faa’iido u leeyahay ciidamadda qaranka Somaliland. “Faa’iidadda koowaad waxay tahay ciidankii intaas oo dhan soo shaqaynayay in ay marka hore nastaan, xaqoodiina la siiyo.

Faa’iidadda labaadna waxay tahay in ay dhalinyaro badan shaqo abuur u noqoto, oo iyaguna sidaa kuwii horeba u soo ilaaliyeen dalkooda ay iyaguna u ilaaliyaan.

Maadaama oo marka kuwani ay baxaan, ay meeshoodii banaanaan doonto, oo ay dhalinyaro geli doonto meeshoodii”.

Geesta kale Aniisa Xuseen, oo ah agaasimaha waaxda xaqsiinta iyo hawl-gabka ciidanka ee wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray xeerka xaqsiinta iyo hawl-gabka ciidamadda qaranku.

Waxaanay tidhi “Xeerkaasi marka uu ka soo baxo goleyaasha sharci dejinta, isla markaana madaxweynuhu saxeexo ee uu dhaqan gal noqdo ayaa la filayaa in ciidamadda hawl-gabka noqday la siiyo xaqoodda.

Waxaanu xeerku qeexi doonaa heerarka kala duwan ee derejadda ciidanka iyo halka uu mid waliba kaga jiro. Iyadoo wixii uu xaq u yeesho fadhiga uu ku qaadan doono shaqadana laga nasin doono”.

“Waxaana hadda socda wejigii koowaad ee diiwaangelinta ciidanka hawl-gabka noqday oo laga soo sameeyay goobo ka mida fadhiisimadda ciidamadda qaranka.intaas ka dib ayaa loo samayn doonaa guddi saraakiisha ciidanka ka tirsan, kuwaasoo dib u eegis ku samayn doona.

Kadibna waxay u gudbin doonaan taliyaha ciidamadda milateriga oo dib u eegis ku samayn doona, iyadoo taliyaha kadibna loo soo gudbin doono wasiirka wasaaradda gaashaan dhiga, sidaas ayaanu ku hirgeli doonaa xeerka hawl-gabka iyo xaqsiinta ciidamadda qaranku”ayay tidhi agaasime Aniisa.

 

Wariye: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here