Wasiirka Duulista Somaliland oo kormeer ku tagay Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera

0
846

Berbera (HargeisaPress)– Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Somaliland Fu’aad Axmed Nuux iyo wefti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeer ku tagay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Dowladda (BOT – Berbera Oil Terminal) gaar ahaan haamaha cusub ee kaydka shidaalka diyaaradaha oo dhismahoodu marayo heer gabo-gabo ah.

Waxaana Wasiirka iyo weftiga la socda halkaa ku soo dhaweeyay oo warbixin-na ku siiyay Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka, Ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeenada farsamada.

Wasiirka iyo Maamulka Haamaha Shidaalka Dowladdu waxa ay ka wada hadleen sidii dib loogu hawl-galin lahaa Dhuunta qaada Shidaalka Diyaaradaha ee isku xidha Haamaha Kaydka Shidaalka diyaaradaha ee BOT iyo kaydka Garoonka Diyaaradaha ee Berbera.

Waxa kale oo uu Wasiirka iyo waftigu kormeer ku tageen Dekedda Berbera, iyada oo halkaasi uu ku soo dhaweeyay Warbixin-na uu ku siiyay Maareeyaha Dekeddaha Somaliland.

Wasiirku intii uu ku sugnaa Gobolka Saaxil waxa uu kulan la qaatay Cuqaasha, Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil oo uu warbixin ka siiyay himilooyinka horumarineed ee Xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi gaar ahaan horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee ay ka mid yihiin Madaaraddu, waxaanay odayaashu sheegeen inay ku faraxsan yihiin wixii horumar Qaranka u soo kordha Xukuumaddana ay ku garab taagan yihiin.

Kulankaasi waxa Wasiirka ku wehelinayay Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Gobolka, Maayarka Berbera, Maareeyaha Dekeddaha iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here