Berbera (HargeisaPress)– Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Somaliland Mudane Fuaad Axmed Nuux ayaa kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Duulista ee Gobolka Saaxil, kulankaasi oo ay Wasiirka iyo shaqaaluhu iskaga xog-waraysteen shaqada Wasaaradda ee Gobolka iyo sidii loo dardargelin lahaa.
Wasiirku waxa uu ka jawaabay cabashooyinkii shaqaaluhu soo gudbiyeen oo ku saabsanaa Hirgelinta Xarunta Gobolka ee Wasaaradda, qalabaynta Xafiisyada iyo tababarada Shaqaalaha Gobolka oo muddo dheer aan helin wax tababaro ah.
Ugu dambayntu Wasiirku waxa uu ballanqaaday in Xarunta Wasaaradda ee Gobolka la dhammaystiri doono muddo Bill gudaheed ah, lana qalabayn doono, sidoo kale Wasiirku waxa uu ugu bushaareeyay shaqaalaha Gobolka in heli doonaan tababaro ku saabsan xirfadahooda shaqo sannadkan 2025.
Hoos ka daawo muuqaalka sawirrada