Faysal Cali Waraabe oo Soo Bandhigay Kooxo Isku Baahaystay Burburinta Somaliland

0
1965

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu markale ka hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, iyagoona soo bandhigay kooxaha ka dambeeyay colaada gobolka Sool.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ku eedeeyay in uu ka danbeeyo colaada Laascaanood.

Waxaana uu sheegay in Farmaajo, uu dhigay qorshe la doonayo in Somaliland lagu burburiyo 5 tii sanno ee uu talada Soomaaliya hayay.

Guddoomiye Faysal, ayaa sheegay in qorshahani yahay qorshe la doonayo in Somaliland lagaga saaro khariidada, islamarkaana ay qorshahan uu ka shaqeeyay Farmaajo shantii sanno ee uu Xamar ku amar ku taaglaynayay.

Qorshan ayuu Faysal Cali Waraabe sheegay inuu leeyahay Guddi sare oo isir ku salaysan, oo 21 ah oo la yidhaa G21.

Guddidan, ayuu sheegay in ay ku jiraan madax hore oo soo martay Soomaaliya, sida Cumar Cabdirashiid, Cabdiwali Gaas, Farmaajo, iyo waliba siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin iyo qaar kale.

Waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eriteriya loogu talo galay in Somaliland lagu waxyeeleeyo.

Shacabka Somaliland, ayaa waxaa uu ugu baaqay in la garab istaago Ciidamada Qaranka, isaga oo sheegay in ay iyagu guulaysan doonaan.

Garaadada magaalada Laascaanood, ayuu sheegay in ay lugooynayaan kooxo kale, iyagoona ugu baaqay in ay ka taxadaraan ciidamada u soo gurmanaya ee maalmihii ugu danbeeyay imanayay magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here