Wasiirka Deegaanka JSL Oo S๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐisay ๐—ถ๐—ป La Furayo ๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ Bacaha S๐—ผ๐—ผ S๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ฎ

0
553

Hargeisa (HP): Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaacisay inay dhawaan xadhiga ka jari doonaan warshad soo saarta bacaha.

Bacahaasi oo ay wasiirku sheegtay inay yihiin kuwo la fal-galaya carada dhulka, sidoo kalena ka cimri yar bacaha kale.

Wasiirka ayaa sheegay inay Warshada bacaha soo saaray ay leeyihiin muwaadiniin dalka u dhashay oo warshada ka keenaya dalka Ingiriiska, bacaha ay soo-saarayaana ay badeli doonaa bacihii kootarbaanka ahaa ee dalka soo gali jiray.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay sidan ka sheegtay warbixin ay maanta ka hor jeedisay golaha Guurtidda Somaliland.


Sidoo kale waxa ay sheegtay inay dhawaan fureen wershada ay hirgaliyeen muwaadiniin Somaliland ah, taasi oo geedka Garan-waaga u badesha dhuxul la shito, taasina lagag maarmayo xaalufka deegaanka iyo jarista dhirta.

Wasiir Shukri Baandare ayaa sheegtay inay sanadkan qaybiyeen laba boqol iyo labaatan kun oo geed, kana qaybiyeen dhamman gobollada iyo dagmooyinka dalka.

Geesta kale wasiir Shukri Baandare ayaa sheegtay in sadex goobood oo hore ay u daganaayeen duur-joogto laga raray, loona raray xarunta daryeelka duur-joogta ee Geed Deeble

DAAWO: Warbixinta Wasiirka Ee Golaha Guurtidda Ay Ka Jeedisay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here