Wasiirka Deegaanka JSL Oo Kormeeray Mashruuca Ka Socda Degaanka Debis

0
265

Hargeysa (HP): Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil  Baandare, ayaa  kormeer ku tagtay degaanka Dabis ee degmada Cadaadlay oo laga hirgalinayo mashruuc goob  dalxiis.

Deegaanka Debis oo ka tirsan degmadda Cadaadley, ee gobolka Maroodijeex ayaa wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxay ka hirgelisay mashruuc dalxiis.

Kormeerkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed  Axmed Caalin  (Tiimbaro), iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaraadda Deegaanka.

Wasiirka Deegaanka iyo isbadalka Cimilada Shukri Baandare, oo kormeerkaasi kadib ka warbixisay mashruuca laga waddo Debis, ayaa shèegtay in Dabis ku jirto sideed seere-kaymood oo dalku leeyahay.

Mashruuca ka socda na ay dawlada Somaliland gacanta ku haysa, kaasoo isugu jira dhawr qaybood oo ay ka mid yihiin qaybta Ugaadha, iyo qaybta seereha.


Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin, ayaa isna u soo jeediyay dadka deegaanka Dabis, in ay la shaqeeyaan wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here