Somaliland Oo Ethiopia Kaga Qayb Gelaysa Shirka Dhaqaalaha Kalluumaysiga

0
1288

Hargaysa (HP): Somaliland waxa ay ka mid tahay dalalka khayraadka kalluunku uu aad ugu badanyahay, isla markaana leh fursado laga ga abuuri karo koboc dhaqaale oo aad u baaxad weyn.

Haayadaha dawladda ee qaabilsan ganacsiga, suuqyada caalamiga ah, rugta ganacsiga iyo tayada ee Somaliland iyo 17 ka mid ah shirkadaha kalluumaysiga Somaliland ayaa shir kaga qayb galaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Shirkaasi oo ku saabsan kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah. Waxaana shirkani ka qayb gelaya weftiyo ka kala socda dawladaha Somaliland, Ethiopia, Kenya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Somaliland haayadaha ka socday waxa ay shirkaasi u joogaan sidii ay u dardar gelin lahaayeen wadaagaha kalluumaysiga ee dalka, raadinta suuqyo calami ah oo kalluunka dalka loo dhoofiyo iyo la kulanka haaydaha iyo maalgashadayaasha dhinaca dhaqaalaha Buluugga ah (Blue Economy) ee shirkaasi qaybta ka ah waddammada Geeska Afrika.

Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay shirkadaha kalluunka ee dalalka Geeska Afrika, haayado maxalli ah iyo kuwo caalami ah.

Maal-gashadayaasha muhiimka ah ee ganacsiga gaarka loo leeyahay ee silsiladda sahayda kalluunka soo-saareyaasha kalluunka, gaadiidleyda iyo saadka, ganacsatada kalluunka, dhoofiyeyaasha kalluunka, soo-dejiyaasha kalluunka, isticmaalayaasha kalluunka sida huteellada iyo makhaayadaha.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here