Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradaasi

0
361

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan, ayaa maanta kulan is Xog waraysi ah la qaatay Agaasime Waaxeedyada wasaaradaasi.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda xidhiidhka goleyaasha ee Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.

Waxaana kulaankaasi lagaga wada hadlay waxyaabihii u qabsoomay Waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo waxyaabaha u qorshaysan.


Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii uu wasiirku wqrbixino xanbaarsan xog dhamaystiran uga heli lahaa hawlaha shaqo ee wasaaradda.
Maadaama oo agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradu ay yihiin mishiinka hawsha dhaqaajiya, isla markaana ay yihiin kuwo ka masuul ah ama qaabilsan waaxyaha kala gedisan shaqadda wasaaradda.


Wasiir Maxed Xaaji Aadan, ayaa agaasime waaxeedyadda ku booriya in ay si daacadnimo ku dheehan tahay u gutaan waajibaadka shaqo ee ay qaranka uga masuulka yihiin.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here