Wasiirka Dastuurka Oo Ka Qaybgalay Furitaanka Tartanka Ciyaaraha Wasaarradaha

0
285

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Hargaysa Stadium kaga qayb galay Furitaanka tartan Ciyaareedka Kubada Cagta ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawlada ,kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyada Somaliland.


Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahadnaqay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Hay’adda Shaqaalaha Dawlada , Masuuliyiintii kasoo qayb gashay iyo shaqaale-weynaha Qaranka ee tartanka loo furayo.

Intaasi kadib waxa uu Wasiirku Sharaxaad ka bixiyey Faa’idooyinka ay tartanadu u leeyihiin dhalinyarada iyo doorka ay ka qaataan is dhexgalka dhalinyarada ,Caafimaadka,aqoonta iyo jidh dhiska dhalinyarada waxaanu soo jeediyey in la tayeeyo ciyaaraha lana tixgeliyo.

DAAWO: Hadalkii Wasiirka Ee Furitaanka Tartankaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here