Bulshadda Degmadda Sheekh Oo Xoolo Ku Caawiyay Ciidamadda Qaranka JSL

0
243

Sheekh (HP): Bulshada ku nool degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa deeq isugu jirta Xoolo nool iyo agab kale ku wareejisay ciidamada Qaranka JSL.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) iyo saraakiisha ciidamada Qaranka Somaliland ayaa kala wareegay bulshada degmada Sheekh ee gobolka Saaxil deeq isugu jirta Xoolo iyo agab kale.

Maayarka degmada Sheekh, ayaa sheegay in bulshada degmadu ciidanka Qaranka ugu deeqeen 650 neef oo adhiya iyo 10 halaad oo geel ah.

Waxa kale oo uu sheegay maayarka Sheekh, in deeqdan ay ku jiraan agabka dhaxanta iyo kuwa la goglado.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamuud iyo sidoo kale Boqor Axmed Iimaan Warsame, waxaanay bulshada degmada Sheekh uga mahad celiyeen deeqdan xoolaha, Geela iyo Agabka kale isugu jirta ee ay Ciidamada Qaranka ugu deeqeen.

Iyaga oo cadeeyey in ay ciidamada Qaranka hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.

Geesta kale taliyaha qaybta Booliska Gobolka Saaxil Cabdi Muuse Cabdilaahi iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) oo halkaas ka hadlay ayaa bulshada degmada Sheekh uga mahad celiyey deeqdan xoolaha iyo agabka kale isugu jirta ee ay soo gaadhsiiyeen ciidamada Qaranka Somaliland.

Waxaanu tilmaamay in ay weli socoto deeqaha ay bulshada ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee gobolka Saaxil ugu deeqayaan ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here