Wasiirka Daakhiliga iyo Badhasaabka Sool Oo Kormeeray Degaamo Ka Tirsan Gobolkaasi

0
437

Laascaanood (HP): Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo safar shaqo ku jooga gobolka Sool iyo wefti uu hogaaminayay ayaa maanta kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Sool.
Kormeerkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, taliyaha aagga barri ee ciidanka qaranka Somaliland sareeye guuto Cali Barre Xuseen, iyo masuuliyiin iyo saraakiil kale.
Weftigan uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland hogaaminayay ayaa kormeerkoodda ku soo maray deegaamadda Hol-hol, Darayo-geeso-weyn, iyo degaamo kaloo ka tirsan gobolkaasi Sool.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here