Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland oo Xilkii la Wareegay + SAWIRRO

0
2550

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa maanta xilkii wasaaraddaasi kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane, iyada oo munaasibada xil-wareejintu ka qabsoontay hoolka xarunta dallada dhallinyarada ee SONYO. Munaasibadan xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jiray wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin, marti-sharaf iyo shaqaalaha wasaaradda.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu wasaaradda ku soo dhaweeyey wasiirka cusub ee xilka la wareegay wasiirkii horena sii sagootiyey, sidoo kalena waxaa uu sharaxaad ka baxiyey baaxada iyo wax-qabadka wasaaraddaasi waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Wasaaraddani waa wasaarad runtii aad iyo aad u baxaad weyn waa wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha waxaana aynu ka wada war qabnaa in boqolkiiba toddobaatan (70%) bulshadeenu ay dhallinyaro tahay, cida ugu horeysa ee u adeegta waa wasaaraddan waxaana maanta farxad weyn dhamaanteen u ah in wasaaraddan oo la aasaasay sannadkii 2000 in maanta uu xilkeedii uu wareejo wasiirkii 8-aad”.

“Wasaaraddani marxalado kala duwan ayay runtii soo martay waxaana ay wasaaraddu ka kooban tahay shan waaxood oo kala ah dhallinyarada, ciyaaraha, dalxiiska, maamulka iyo qorshaynta inkasta oo waaxda Dalxiiska loo wareejiyay wasaarad cusub. Wasaaraddu waxay ka shaqaysaa oo xafiisyo ku leedahay dhammaanba gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Muddadii uu Wasiirka xilka maanta wareejinayaa Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane uu joogay wasaaradda wax-qabyo ayaanu ku talaabsanay oo uu ugu weynaa tartankii ciyaaraha gobolada 2016 oo si qurux baddan oo  nidaam leh u qabsoomay, waxaanan wasiir Maydhane ku sagootinaynaa si milgo leh, waxaanan qiraynaa inuu ahaa wasiir dedaal, daacad iyo dulqaadba lahaa, waxaanan u rajeynaynaa meel kasta oo uu tago kheyr iyo barwaaqo, wasiirka cusubna waxaanu leenahay ku soo dhawow gacmo furan”.

Dhanka kale waxaa iyaguna madasha hadalo kooban ka yidhi Wasiiru Dawlayaasha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees, Md. Axmed Nuur Faahiye, Md. Maxamuud Warsame Jaamac, wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Md. Nuur Cismaan Guuleed, Guddoomiyaha iyo Agaasimaha dallada SONYO iyo masuulyiintii kale ee ka qeyb-galay, waxaana dhammaan ay masuulka xilka la wareegay ILAAHAY uga baryeen in xilkaasi uu ku asturo, isla markaana wasiirka xilka wareejiyayna isagana meeshu tagaba ay kheyr u rajeynayaan.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha waaxda ciyaaraha Mr. Ibraahim Maxamed Diiriye (Shide) oo ku hadlayay afka shaqaalaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo Guddoomiye ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr. Cabdicasiis Maxamed Daahir oo isna ku hadlayey afka xidhiidhada ciyaaraha, waxaana ay si isku mid ah u soo dhaweeyeen wasiirka cusub ee wasaaradda halka sidoo kale ay sii sagootiyeen wasiirkii hore ee wasaaradda.

Wasiirkii hore wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane oo madasha ka yidhi hadalo kooban, ugu horeynba wuxuu xusay in xilku uu meerto yahay Madaxweynaha uu uga mahadnaqayo xilka uu ka qaaday, sidoo kalena waxa uu wasiirka cusub masuulka xilka wasaradda loo magaacaabay uu ku soo dhaweeyay wasaaradda isaga oo sidoo kalena madasha uu ka sheegay wax-qabadka wasaaradda muddadii uu xilka hayey, waxaana uu masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda uga mahad-naqay sidii kartida iyo daacada lahayd ee ay ula shaqeeyeen.

Ugu dambeyntii, waxaa isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka cusub ee wasaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, waxaana uu ugu horeyn Madaxweyne Siilaanyo uu uga mahad-naqay magacaabistiisa, wuxuuna uu hoosta ka xariiqay in masuuliyadda la saaray uu u gudan doono sida ugu daacadsan. Wasiir Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u sii wadi lahaa guulaha ay gaadhay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxaana uu ILAAHAY ka baryey inuu xilka ku asturo.

Gaba-gabadii waxaa munaasibadaasi shahaado sharaf lagu sagootinayo la guddoonsiiyey wasiirkii hore ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxaana shaqaalaha wasaaraduna wasiirka intii uu shaqada hayey ku sheegay inuu ka soo dhalaalay shaqadiisa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here