Wasiirka Caafimaadka JSL Oo Soo Kormeeray Custitaalka Guud Ee Hargaysa

0
154

Hargeysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa kormeer ku tagay cusbitaalka Daryeel ee magaalada Hargeysa.

Cusbitaalka Daryeel ayaa ah cisbitaalkii xilligii xannuunka Covid-19, dalka uu ka jiray ay xukuumadda Somaliland u qorshaysay in la dhigo bukaanada uu soo rito Safmareenka Covid-19.

Wasiirka ayaa mid mid u maray qaybaha kala duwan ee cisbitaalku ka kooban yahay, waxaanu kulamo la qaatay bukaanadii ku jiray cisbitaalka, isaga oo ka wareystay xaaladooda caafimaad, waxaanu dhakhaatiirta gacanta ku haysa daaweynta bukaanadaasi faray inay sifiican ugu adeegaan.


Geesta kale wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland, Xasan Maxamed Cali, ayaa kulan la qaatay Maamulka Cisbitaalka Daryeel, isagoo ka dhagaytay warbixino kala duwan oo ku saabsan habsami u socodka Cisbitaalka iyo halkay marayaan hawlihiisa shaqo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here