Wasiirka Caafimaadka JSL Oo Daah-furay Shirka Guddiga Heer-qaran Ee Xanuunadda Maanka

0
438

Hargaysa (HP): Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka daah-furay shirka guddiga caafimaadka ee heer qaran oo ay ka qayb qaataan afar wasaarradood.

Waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay waaxda Caafimaadka ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland shirkaasi oo ah, shirka saddex billoodka ah ayaa u dhaxeeyay waaxda xanuunadda Maanka iyo Guddiga heer qaran ee Caafimaadka.


Guddiga xanuunadda Maanka ayaa ka kooban afar wasaarradood oo kala ah wasaaradda Caafimaadka, wasiiradda Maaliyadda, wasaaradda Diinta iyo Awqaaafta, wasaaradda Shaqo galinta Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska, iyo sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo xubno ka kala ka socday ganacsatada Qaadleyaasha iyo ururada maxaliga ah.

Intii kulankani uu socday waxaa la iskaga xog-waraystay wax-qabadkii waaxda Maanka ee wasaaradda caafimaadka, iyo waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, Caqabadaha jira iyo sidoo kale waxyaabaha ay muhiimka u tahay in la qabto saddexda bilood ee soo socda.


Waaxda Caafimaadka Maanka ee wasaaradda caafimaadka ayaana kulankaasi ku soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, iyagoo na sheegay in waxyaabaha u qabsoomay ay ka mid ahaayeen.

1: Tayaynta adeega Caafimaaddka ee gobolada

2: Tayaynta Xarumaha Cilaajyada.

3: Daawaynta iyo Quudinta Bukaanadda maanka ka Xanuunsanaya ee lagu hayo xarumaha daryeelka Caafimaadka maanka.

4: kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Caafimaadka Maanka.

5: Samaynta Wacyigelino Joogto ah oo bulshada lagu fahansiinayo habladhaqanka ugu haboon ee ay u baahanyihiin dadkeena maanka ka xanuunsanaya.

6: Kormeeridda Xarumaha lagu daryeelo Bukaanada maanka ka xanuunsanaya ee lagu hayo xarumaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahba.

7: dhisida dhismayaal Cusub oo lagu daryeelayo dadka manka ka xanuunsan iyo sidoo kale datactirka Xarumihii hore u dhisnaa.


Geesta kale wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu shirkani leeyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in mar walba wax la iska waydiiyo waxyaabaha qabsoomay.

Kuwa aan qabsoomin iyo sababihii ay u qabsoomi waayeen, isagoo na dhanka kale uga mahadceliyay ganacsatada Qaadleyaasha oo taageero dhaqaale oo weyn ka gaystay sidii hawshani u noqon lahayd mid midho dhal ah.

Wasiir Gaafaadhi, ayaa lagu amaanay inuu mudooyinkii u danbeeyay ahmiyadd gaar ah siisay daryeelka iyo xanaanaynta dadkeena Maanka ka xanuunsanaya. Iyadoo sidoo kale-na la bar-bar waday tayaynta iyo kor u qaadista xarumaha caafimaadka Maanka ee dhamaan gobolada dalka.

Kor u qaadista aqoonta shaqaalaha gacanta ku haya xaruamaha gaarka loo leeyahay ee dadka Maanka ka buka lagu xanaaneeyo, iyo kuwa dawliga ah ee lagu daryeelo Bukaanada Maanka ka xanuunsanaya.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here