Wasiirka Biyaha Somaliland oo Daah-furay Biyo Balaadhinta Ceerigaabo

0
683

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa maanta magaaladda Ceerigaabo ka daah-furay mashaariica biyo balaadhinta magaaladaasi.

Mashruuca biyo balaadhinta Ceerigaabo oo ay hirgelisay wasaaradda Biyuhu ayaa la filayaa inuu wax badan u soo kordhiyo dhinaca biyaha ee bulshadda ku nool magaaladda Ceerigaabo.

Munaasibadii daah-furka mashruucaasi waxaa ka soo qayb galay agaasimeyaal guud, maamulka gobolka Sanaag, ka degmadda Ceerigaabo, cuqaal, madax dhaqameed, salaadiin, odayaal, waxgarad, iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Cali-mareexaan, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mashruucaasi uu yahay mid ay fulisay xukuumadda Somaliland, isagoona xusay in siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi, ay tahay in bulshadda dalkoo dhan ay helaan biyo ku filan.

Geesta kale, madax dhaqameedkii kala duwanaa ee halkaas ka hadlay ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruucaasi, iyagoona xukuumadda iyo wasaaradda biyaha ba uga mahad celiyay mashruucaasi ay u fuliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here