Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Shir Caalamiya Kaga Qayb Gelaya Jarmalka

0
514

Frankfurt (HP): Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu baxay wadamo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa gaadhay dalka Jarmalka.

Weftiga wasiirka beeraha waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladda frankfort ee dalka Jarmalka xubnaha ka socday ururka ay ku midoobeen jaaliyadda reer Somaliland ee Jarmalka.

Waxaana hogaaminaysay guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee Jarmalka Muuna Maxamed Saleebaan, iyadoo ay wehelinayeen guddoomiye ku-xigeenka jaaliyadda Cali Xaashi Cali, iyo Raxma Saleebaan Jaamac, oo ah afhayeenka ururka ay ku midoobeen jaaliyadu.

U jeedadda safarka uu wasiirka beeraha Somaliland ku tegay Jarmalka ayaa lagu tilmaamay in ay kaga qayb geli doonaan shir maalinta beriya ka furmaya magaaladda Berlin ee caasimadda Jarmalka.

Waxaana wasiirka safarkaasi ku wehelinaya la taliyaha wasiirka beeraha Maxamed Cali iyo sidoo kale xubno ganacsato reer Somaliland ah.


Axmed Muumin Seed, ayaa u mahad celiyay xubnaha jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jarmalka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

Isagoo faahfaahin ka bixinayay u jeedadda safarkiisa waxa uu yidhi, “Imaatinka aan halkan (Jarmalka) ku nimid, aniga iyo weftiga aan hogaaminayo, ee la taliyahayga iyo niman kaloo baayac-mushtar ah oo soo socda iyo qaar nala socday oo diyaaradda hore ka sii raacay-ba.

Waxaanu u nimid shirka Berlin ka dhici doona, oo wasaaradda beeraha Somaliland lagu soo marti qaaday, oo beri dhici doona, ayaan ka qayb gelaynaa. Shirkaa wixii ka danbeeyana waxaan geli doonaa, hawlaha qaran ee aanu u nimid dalkan Jarmalka”.

Geesta kale Axmed Muumin Seed, waxa uu sheegay in dawladda Jarmalka iyo Somaliland uu xidhiidh wanaagsan ka dhexeeyo, isla markaana dawladda Jarmalku ay mashaariic fara badan ka waddo Somaliland.


“Dawladda Jarmalku shaqooyin badan ayay Somaliland ka haysaa, ha noqoto dhinaca Wadooyinka, biyaha, dawladaha hoose, beeraha, degaanka, aad ayay noola shaqeeyaan.

Mashaariicda ugu badan ee wasaaradda beeraha Somaliland waddo Jarmalka ayaa maalgeliya. Hay’adaha kala duwan ee Jarmalka, sida GIZ iyo KFW oo magaaladdan Frank ford degan, waa hay’adaha shaqadda ugu badan nala wada.

In la nagu soo marti qaado shirkan ka dhacaya dalka Jarmalka, waxay cadaynaysaa wada shaqaynta dhaw ee dawladda Jarmalku ay ku doonayaan in ay shacabka Somaliland kor u soo qaadaan”ayuu yidhi wasiirka beeraha Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here