Wasiirka Iyo Ku-xigeenka Cusub Ee Ciyaaraha Oo Xilalkii La Wareegay + SAWIRRO

0
1259

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka cusub iyo Wasiir ku xigeenka dhawaan loo magacaabay wasaaradda dhallinyarrada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa shalay xilkii wasaaraddaasi kala wareegay Wasiirkii iyo ku xigeenkiisi hore, iyada oo munaasibada xil-wareejintu ka qabsoontay hoolka xarunta dallada dhallinyarrada ee SONYO.

xil w

Munaasibadan xil wareejinta  ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jiray Wasiirro, xildhibaanno, masuuliyiin, marti-sharaf iyo shaqaalaha wasaaradda. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarrada, ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu wasaaradda ciyaaraha ku soo dhaweeyey wasiirrada cusub ee xilka wasaaraddaasi la wareegay sidoo kalena waxaa uu sharaxaad ka baxiyey baaxada iyo wax-qabadka wasaaraddaasi.

xil war 2

“Wasaaraddani waa wasaarad runtii aad iyo aad u baxaad weyn, waa wasaaradda dhallinyarrada iyo ciyaaraha, waxaana aynu ka wada war-qabnaa in boqolkiiba toddobaatan (70%) bulshadeennu ay dhallinyarro tahay, cidda ugu horeysa ee u adeegta waa wasaaraddan waxaana maanta farxad weyn dhammaanteen u ah in wasaaraddan oo la aasaasay sannadkii 2000, in maanta xilkeeda uu  wareejiyo Wasiirkii todobaad, halka uu Wasiir xigeenkii saddexaad uu isna xilka la wareegayo,”Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ciyaaruhu, waxaanu intaas ku ladhay “Wasaaraddani marxalado kala duwan ayay runtii soo martay waxaana ay wasaaraddu ka kooban tahay shan waaxood oo kala ah dhallinyarrada, ciyaaraha, dalxiiska, maamulka iyo qorshaynta oo muddadii ay xilka hayeen masuuliyiintani ay waaxdani unkantay. Wasaaraddu waxay ka shaqaysaa oo xafiisyo ku leedahay dhammaanba gobollada iyo degmooyinka Somaliland.”

 

xil w 4

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirkii iyo wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda ciyaaraha Md. Axmed Cabdi Kaahin iyo Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa madasha ka soo jeeiyay hadalo kooban oo mahad naq iyo dardaaran isugu jira, waxaanay wasaaradda ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta xilka wasaradda loo magaacaabay, waxaana ay madasha ka sheegeen wax-qabadka wasaaradda muddadii koobnayd ee ay xilka hayeen, waxaana ay sidoo kale masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda uga mahad-naqeen sidii kartida iyo daacada lahayd ee ay ula shaqeeyeen.

xil war

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gabo-gabadii waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka iyo ku xigeenkiisa cusub ee wasaradda ciyaaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane iyo Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, waxaana ay sheegeen inay ILAAHAY ka baryayaan in xilalka ku asturo, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sidii ay hore ugu sii wadi lahaayeen guulaha ay gaadhay wasaaradda dhallinyarrada iyo ciyaaraha iyagoo sidoo kalena Madaxweyne Silanyo uga mahad-naqay xilalkoodan cusub.

xil w 3

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale waxaa iyaguna madasha hadalo kooban ka  jeediyay   Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimaha dallada SONYO iyo masuulyiintii kale ee ka qeyb-galay, waxaana dhammaan ay masuuliyiinta xilalka la wareegay ILAAHAY uga baryeen in xilkaasi ku asturo isla markaana Wasiirrada xilka wareejiyayna iyagana ILAAHAY xilalkooda cusub ku asturo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here