Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha Djibouti + Muuqaal

0
1006

Djibouti, (HargeisaPress) — Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL  Dr Sacad Cali Shire oo weli ku guda jira safar shaqo uu ku joogo dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku qaabilay Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada dalkaas ee Djibouti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL  Dr Sacad Cali Shire oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee jaarka iyo saaxiibka ah ee  iskaashiga dhinacyada nabadgelyada, bulshada, dhaqanka, ciyaaraha iyo isu socodka labada shacab ee walaalaha ah, waxana ka mid ah hadalladiisii, “Waxannu ugu tagnay Madaxweynaha Djibouti kulan salaan sharafeed ah “Courtesy Call” si fiican ayuu noo soo dhaweeyay oo noo qaabilay Madaxweynuhu. Waxannu uga mahadcelinnay soo dhawaynta iyo xidhiidhka labada dal iyo taageerada ay dawlad ahaan u fidiyeen Xafiiska Somaliland. Waxannu ka wada hadallay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dhinacyada badan ee aan wadaagno Djibouti haddii ay tahay xagga nabadgelyada, haddii ay tahay xagga dhaqanka, dhaqaalaha, bulshada, ciyaaraha iyo guud ahaan iskaashiga labada wadan. Waxan u gudbiyay Madaxweynaha Djibouti salaam aan uga siday Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”

Waxa ku wehelinayay Wasiir Sacad Cali Shire kulankan  Safiirka Somaliland u fadhiya Djibouti  Danjire Maxamed Warsame Cali, Safiirka Djibouti u fadhiya Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Wasiirka Warshadaha JSL, Mudane Shucayb Maxamed Muuse ayaa laga wada hadlay.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL  Dr Sacad Cali Shire wuxu isla maanta la kulmay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda wadanka Djibouti Mudane Ilyaas Muuse Dawaale oo labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka wada shaqayneed ee dhinaca hay’adaha maaliyadda iyadoo Wasiirku ka codsaday inay waxtaraan dhiggooda Somaliland oo ka gacansiiyaan dhinacyada muhiimka ee farsamada.

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha JSL, Mudane Shucayb Maxamed Muuse ayaa isaguna  kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Qaybta Warshadaha oo hoos timaada islaWasaaradda Maaliyadda waxanay labada masuul ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL  ku yimi Djibouti iyo kulamada kala duwan ee illaa heer Madaxweyne ah iyo wasaarado badan ayaa u muuqda safar midho dhal ah oo faaiido badan ugu fadhiya danaha Somaliland guud ahaan xidhiidhka labada wadan ee Somaliland iyo Djibouti oo waxbadan waxbadan wadaaga.

Hore, waxa uu shalay la kulmay Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Djibouti, ka horna waxa casuumad ballaadhan oo soo dhawayn ah u fidiyay Wasiirka  Wasiiro tiro badan uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah Djibouti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kana mid ahaayeen Wasiirka Shaqada, Cabdi Xuseen Axmed, Wasiirka Cadaaladda Mudane Cali Faarax Casoowe, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta, Mudane Aden Xasan Aden, Wasiirka Kharashka, Mudane Boodeh Maxamed Rooble iyo sidoo kale, Danjiraha Djibouti u qaabilsan Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye,  Ex-MP Antuwaan Miisheel iyo masuuliyiin kale.

Waxa iyana xusid mudan is bedelka weyn ee ka muuqda shaqada iyo hawlqabadka Safaaradda Somaliland ee dalka Djibouti ee uu hoggaamiyo Ruug Caddaa Danjire Maxamed Warsame Cali iyo doorka weyn ee Safiirka Djibouti usoo magacawday  Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye uu ku leeyahay xoojinta xidhiidhka labada wadan isagoo haatan ku hawlan inuu xadhiga ka jaro shaqada Xafiiska Safaaradda Djibouti ku leedahay Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here