Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ciidamada Booliska Amar Ku Siiyay Inay Bilaabaan Hawl Galo Ay Ku Kala Saarayaan Muwaadiiniinta Reer Somaliland Iyo Dadka Ajaanibka Ah Iyo Qodobada Lays Waydiinayo

0
1250
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland  mudane  Cali MAxamed Waran-cadde   ayaa manta Soo Saaray Wareegto  uu  ku  amrayo  Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo  Sirdoonka Qaranka Somaliland .

 

Wasiirka  Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland    isaga  oo  ogsoon  in  ilaalinta  nabadgalyadu ay  tahay  ahmiyada  Koowaad ee qaranka  waxaa  lagama maarmaan ah  in aynu  adkayno la socodka  dhaqdhaqaaqa Dadka Muwaadiniinta  ah iyo kuwa Ajaanibka ah.

 

Sidaas awgeed  waxaa  la bilaabayaa olole lagu  baadhayo dadka  laguna  kala saarayo  Qofka   muwaadinka  ah  ee sita  Kaadhka aqoonsiga  Dhalashada   ama  Kaadhka  Degenaanshaha  ajaanibka. Waxaanay  ciidamada amnigu  billaabi  doonaan  Baadhis  Iyo In Dadka La Joojiyo  iyadoo  baabuurtana lagu  joojin  doonaa  waddooyinka.

 

Waxaana  Dadkaa la weydiin  doonaa

1-      Kaadhka  Aqoonsiga Muwaadinka

2-      Kaadhka  Degenaanshaha  Ajaanibka

 

Hadaba  waxaa la idin  farayaa  in aad u  diyaar garawdaan  habeenka  arbacadu soo galayso ee bishu  tahay  11/05/2016 iyada  oo ay  hawshan  ka qayb  gali  doonaan  Ciidamada Boliska, Waaxda  socdaalka iyo Sirdoonka qaranka JSL.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here